Maxaa xiga dhammaadkii muddo xileedka BF Somalia? Waxa dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay ka taagnaa Soomaaliya muran siyaasadeed oo ku salaysan goorta iyo qaabka loo qabanayo doorashada baarlamanka iyo madaxtooyada Soomaaliya oo lagu waday in ay qabsoonto bilowga sannadka 2021. Walow ay siyaasiyiin mucaarad ah oo musharaxiin u badani aad u durayeen xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedaynayeen in aanay ilaa haatan u heellanayn in ay si hufan u qabato doorashadaas, eeddaas oo ay si adag gaashaanka ugu daruurtay xukuumaddu ayaa waxa kale oo jira in maamul goboleedyada dalka qaarkood aanay weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa gudida doorashooyinka qaranka ee shirkii Dhuusamareeb la iskula meel dhigay in la dhiso. Doodahaa iyo kala duwanaanshahaa aragtiyaha siyaasadeed oo weli taagan, ayaa haatanna waxa dhici karta in muran kale oo hor lihi bilaabmo. Sababtuna waxa weeyi in muddo xileedkii shacriga ahayd ee dastuurku u cayimay labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya 27 Diisember 2020 ku ekeyd. Arintaas ayaa ah ta laga yaabo in dad badani wax iska weydiiyaan sida xalku noqon doono maadaama oo sida muuqata ay u badan tahay in doorashadii la filayey aanay ku qabsoomi doonin goortii lagu waday duruufaha jira awgood. Waxa kale oo dhici karta in dad badan oo aan aad uga dheregsanayn qawaaniinta lagu dhisay baarlamanka iyo jaan goynta muddo xileedkiisuba ay su’aalo badan iska weydiin karaan sida wax noqonayaan iyo in uu baarlamanku sii shaqayn karo iyo in kale. Arimahaas ayaa u baahan hubsiimo waafi ah si faham cad oo aan siyaasad ku dhisnayn shacabku uga helaan hannaanka arimahan loo furdaamin karo iyo aragtida sharci ee dastuurka ku salaysan ee xadidaysa muddo xileedka baarlamanka iyo waxa dhici kara mar hadii mudadii sharcigu u cayimay ay haatan dhamaatay. Muddo xileedka dastuuriga ah ee baarlamanka Soomaaliya waa afar sannadood, waxaana sharcigu dhigayaa in marka gole xilka haya mudadiisu dhamaatoba la soo doorto kii bedeli lahaa. Hadba su’aasha ugu weyn ee ka guuxaysa maaka qof kasta oo arimahan danaynaya ayaa ah: Ma sii shaqayn karaa baarlamanka Soomaaliya mar hadii muddo xileedkiisii dhamaatay? Maxaa xal ah hadii aan weli la qaban doorashadii baarlamanka oo aanu ilaa haatan jirin baarlamankii bedeli lahaa kan mudadiisii dhamaatay? Su’aalahaas waxa ka jawaaba garyaqaan Cabdirisaaq Nuux Xasan, waxaanu yidhi: “Baarlamaanka waa run wakhtigiisu maanta ayuu ku ekaa, laakiin waxaa jirta qodobka 60 dastuurka ku meel gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo hore u qorayey in mudada baarlamaanka inay ku eegtahay afar sannadood. Qodobkaasi wuxuu qorayey mudada xil haynta baarlamanka federaalka Soomaaliya waa afar sannadood, qodobkaasi Amendment baa lagu sameeyey baarlamaankaan baarlamaankii ka horeeyey baa wax ka bedelay iyadoo laga cararayey in meesha vacuum ama madhnaan soo baxdo. Waxaanay u bedeleen mudada baarlamaanku waa afar sano baarlamaankaana wuxuu shaqada sii haynayaa inta laga soo dooranayo baarlamaan kale. Marka baarlamaanka wakhtigiisii ma dhicin ilaa baarlamaan kale oo la soo doortay uu bedelo waxay ahaanayaan baarlamaan care-taker ah ama xil gaadhsiin ah.” Hadaba kol hadii ay arintu sidaa tahay oo uu jiro qodobkaa dastuuriga ah ee wax laga bedelay ee dhigaya in baarlamankan haatan muddo xileedkiisii dhamaatay xilka sii haynayo, is weydiintu waxay tahay awood ma u leeyahay in baarlamankani sharciyo meel mariyo oo wixii xeerar ah ee ka soo baxaa noqdaan kuwo fulaya oo ay tahay in lagu dhaqmo? Garyaqaan Cabdirisaaq Nuux Xasan ayaa su’aashaa ka jawaabaya waxaanu qabaa in ay jawaabta oo gaabani tahay haa, waxaanu ku sababeeyey sidatan: “Haa, haa oo sida saxda ah ayay u shaqaynayaan. Xagee ku dhici kartaa baarlamaanna ahow shaqona ha qabanin? Wixii shaqo ah ee loo baahnaa way qabanayaan, hadii miisaaniyaddii aan weli la ansixin way ansixin, waxa alla wixii sharciyo ah ee horyaal oo qabyo u ah oo teeram inay ku soo dhameeyaan ahaa wixii u sii dhimanaa way dhamaystirayaan oo caadi bay u shaqaynayaan.” Faysal Waraabe oo dalab xasaasi ah u jeediyay Geelle, kadib safarkii Biixi ee Jabuuti Hargeysa (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa markii ugu horeysay ka hadlay safar uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku tagay dalka Jabuuti, isagoona sheegay arrin uga muhiimsan qaabkii ay xukuumadda Jabuuti usoo dhaweysay Muuse Biixi. Faysal ayaa sheegay inaysan macno buuran u sameynayn in madaxweynahooda loo dhigo roog cas, isla markaana loo dhiibo ubaxyo, balse taasi badelkeed ay ka jecel yihiin in xukuumadda Jabuuti ku dhiirato taageerada qadiyada Somaliland ee gooni-goosadka. Waxa uu madaxweynaha Jabuuti ka dalbaday inuu ka marqaati kaco madax-banaanida Somaliland, isagoo fagaarayaasha caalamiga ka sheegaya inay Somaliland tahay dal jira oo ka madax-banaan Jahmuuriyada Soomaaliyada, hase yeeshe aan weli helin aqoonsi caalami ah. “Waxaan arkayey Madaxweynaheena oo Jabuuti tagay, Qadiifad loo dhigay, Ubaxna loo dhiibay, Annagu waxaanu Ubaxaa ka jeclayn Ismaaciil (Madaxweynaha Jabuuti) oo kalmad wanaagsan noo yidhaahda oo ah inaanu dal ahaan jirnay, oo Wallo-weyntan uu u tagayo ee aan jirin uu ku yidhaahdo Dalkani dal idinku soo biiray buu ahaa oo 4.5-ka aad sheegaysaan muu jirin”. Sidoo kale waxa uu madaxweyne Geelle u jeediyay inuu dowladda federaalka oo uu saaxiib dhow la yahay uu ka dhaadhiciyo in Somaliland aysan qeyb ka aheyn hanaanka 4.5-ka, oo ay tahay dal jira, horena u jiri jiray, sida uu hadalka u dhigay. “Ismaaciil waxaanu leenahay sidii aanu kuugu shaqaynay ee aanu halganka kuugu galnay noogu shaqee, jaarnimada eeg, Gacalnimada eeg, Taariikhda eeg, Cadaaladda eeg” ayuu ugu dambeyntiina yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe. HirShabelle oo fashilisay qarax iyo raggii watay oo lagu qabtay JOWHAR Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka HirShabelle ayaa xalay howl-gallo lagu xaqiijinayey amniga ka sameeyey magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca gudaha magaaladaasi. Inta uu socday howl-galkan ayaa waxa ay ciidamadu isku fidiyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Ciidamada ayaa howl-galladaasi ku soo qab qabtay saddex nin oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Hantiwadaag. Saddexda qof ee la qabtay ayaa watay qarax miino iyo bistoolad, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga dowlad goboleedka HirShabelle. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka ciidamada nabad sugida ay qarxiyeen miinada, iyada oo aan geysan wax khasaare ah. Sidoo kale shaqsiyaadka gacanta lagu soo dhigay oo lagu xiray saldhigga Booliiska Jowhar ayaa waxaa haatan ku socda baaritaano dheeraad ah. Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii xildhibaan ka tirsan HirShabelle lagu dhaawacay qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ku taalla bartamaha magaaladaasi. Jubbaland oo fashilisay qarax lagu dili rabay ganacsade Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada nabad sugida dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inay ka hortageen qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray mid ka mid ah ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qoraal ka soo baxay hay’adda nabad sugida Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay xalay fiidkii hore hore fashiliyeen qaraxaasi, islamarkaana lagu guuleystay in laga furo gaariga, isaga oo aan geysan wax khasaare ah. “Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubaland ayaa Fiidnimadii xalay fashilisay Miino nooca Gaadiidka lagu dhajiyo ah oo lagu xiray gaari uu lahaa mid kamid ah ganacsatada Magaalada Kismaayo. Waxaana lagu guuleystay in laga furo miinadii iyada ooo aan waxba soo gaarin gaarigii,” ayuu lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA ee Jubbaland. Sidoo kale hay’adda ayaa u mahadcelisay dadkii shacabka ee la shaqeeyeen ciidamada ammaanka, islamarkaana la soo wadaagay xogta qaraxaasi la fashiliyey. Kismaayo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey si gaar ah loogu beegsanayey ganacsatada, iyadoo laamaha amniga ay dhankooda wadaan baaritaan dheeraad ah. Rooble oo beesha caalamka siiyey mowqif la xiriira qabashada doorashada Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir gaar ah la qaatay wakiillada iyo safiirrada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, kaas oo looga hadlayey dar-dar gelinta hir-gelinta hanaanka doorashooyinka dalka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulankaas ka sheegay in xukuumadiisa ay ka go’antahay qabashada doorasho si nabdoon dalka uga dhacda, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta habka ay u dhaceyso doorashadu. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inay is dejiyaan aniga oo masuul ka ah xukuumadda federaalka, waxaan idiin sheegayaa in aan diyaar u ahay inaan qof kasta qaabilo oo aan kala hadlo wixii cabasho ah oo ay dareemayaan,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble. Waxa uu sheegay in musharaxiinta cabashada ka qaba doorashada uu diyaar u yahay inuu la fariisto oo uu wax ka qabto tabashadooda, xafiiskiisuna uu u furanyahay. “Walaalaha yaga cabashada ka qaba doorashada, waxaan u sheegayaa inuu u furanyahay albabaabkeyga, diyaarna aan u ahay inaan xal waara ka gaarno cabashadiina, waxaan idin leeyahay is dejiya, looma baahna in xasarad dadka lagu kicinaayo la abuuro, aan wada dhowrno shacabka reer Muqdisho iyo hantidooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Rooble. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ee ku xiran Villa Somalia ay soo saareen jadwal doorasho, balse illaa iyo hadda aysan jirin cid dhaqan-gelisay. Hoos ka dhageyso Xog: Xildhibaanada BF oo muddo hal sano ah loogu kordhiyay aqoonsiyadooda Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in muddo hal sano ah loogu kordhiyay kaararka aqoonsiga oo sanadkan dhammaadkiisa ka dhacay baarlamaanka. Xildhibaaanada aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in taariikhda ID Cards-kooda oo ku ekaa 27-ka December ee sanadkaan, xiligaas oo ah markii la dhaariyay sanadkii 2016-kii. Dad badan ayaa is weydiinaya mar haddii kaararka aqoonsiga jiritaankooda lagu daray hal sano oo dheeraad ah, intee ayey sii joogi doonaan xildhibaanada? Inkastoo waqtiga baarlamaanka dhamaaday ayaa haddana dhowaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in ay sii jiri doonaan illaa laga helo baarlamaan beddala. Iyadoo uu dhamaaday waqtiga baarlamaanka ayaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo asna waxaa u harsan 43 maalin walina ma jirto doorasho la isku raacsan yahay oo dalka loo jihiyeeyay. Marka madaxweynaha xilka ka dhammaado ayaa laga cabsi qabaa in dalku xaalad halis ah galo, ayada oo mucaaradka aysan wixii markaas ka dambeeya Farmaajo u aqoonsan doonin madaxweynaha, islamarkaana kula loolami doonaan wax walba. CC Shakuur oo si kulul uga hadlay dadkii dibad-baxayey ee maanta la rasaaseeyey Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo soo saaray war qoraal ah ayaa si adag uga hadlay xaaladda adag ee  magaalada Beledweyne iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee maanta ka jira magaaladaasi. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey in marka hore uu cambaaraynayo falal uu sheegay in lagu caburinayo shacabka reer Hiiraan. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ciidamada AMISOM in aan loo adeegsan dano gaar ah, gaar ahaan in lagu meel-mariyo danaha madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. “Waxaan canbaaraynayaa falalka lagu caburrinayo codka shacabka reer Hiiraan. Waxaan ugu baaqayaa ciidamada AMISOM, iyo kuwa Itoobiya in ay ka fogaadaan adeegsida awooda lagu meelmarinayo danaha gaarka ee Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri. Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in wax laga xumaado ay tahay in la rasaaseeyo dad shacab ah oo dibad-baxaya, isaga oo tilmaamay in arrintan ay tahay danbi hirgalay intii uu xukunka hayey madaxweyne Farmaaj, sida uu ku sheegay qoraalka uu soo saaray. “Shacab dibad baxaya oo la xabadeeyo waa danbi hirgalay intii uu xukunka hayey Madaxweyne Farmaajo. Shacabka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in Ciidanka AMISOM ay ka amar qaataan Madaxweynaha,” ayuu sii raaciyey CC Shakuur. Ugu dambeyn wuxuu Alle uga baryey inuu caafimaad deg-deg ah siiyo dadkii maanta ku dhaawacmay dibad-baxayadii ka dhacay magaalada Beldweyne ee la rasaaseeyey. “Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu u booga dhayo dadkii shacabka ee ku dhaawacmay xabadihii ciidanka ay ku rideen dibad baxayaasha,”. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalin ka hor nin hubeysan uu dad shacab ah oo dhigayey dibad-bax ka dhan ah madaxweynaha uu ku rasaaseeyey magaalada Muqdisho.